Baraha Xiriirka bulshada waxay ballan qaadeen inay fududeyn doonaan goobo internetka ah oo fikradaha lagu wadaago, dadkana lagula xiriiro. Balse waxaan ogaannay inay sidaas u aheyn haween badan oo Soomaaliyeed. Taa badalkeed, waxay haweenka unugul yihiin oo ay wajahaan noocyada kala duwan ee tacaddiyada internetka sida fadeexeynta, faquuqa jinsiga iyo guud ahaan xadgudubyada ka dhanka ah sumcadda iyo sharafta. Sidaa darteed, waxaan ka codsannay inay nala wadaagaan sheekooyinkooda.
“Sannad kahor waxaan xiriir yeelannay nin aan iska barannay barta Facebook. Dhowr bilood kaddib waxaan go’aansaday inaan isaga tago. Nasiibdarro se, wuxuu igu hanjabay inuu sawiradeyda soo dhigi doono baraha bulshada, haddii aan ka tago. Balse taas igama joojin inaan go’aankeyga ku dhaqaaqo, waana ka tagay. Kaddib mid kamid ah sawiradeyda ayuu soo dhigay baraha bulshada, nasiib wanaag se, sawirada aan la wadaagay waxay ahaayeen kuwa iska caadi ah.”
Waxaa wax laga xumaado ah, in arrimaha noocan oo kale ah ay yihiin wax caadi noqday oo ay la kulmaan haween badan oo Soomaaliyeed. Warbaahinta Bulshada waxay fududeysaa wadaagista fikradaha iyo mqcluumaadka horumarka haweenka. Hase yeeshe, halkii ay ka heli lahaayeen dhiirrigalin, horumar iyo waxqabad waxay wajahayaan cagsigeeda. Xanaaq, naxdin, ceebeyn, aflagaado, moraal-jabin, cabsi-galin, iyo magac-dil ayay ubanbaxaan.
“Aniga oo habeen iska hurda ayuu nin isku-dayay inuu iduubo. Ma aanan asturneyn, mana ogaan karin inuu iduubtay illaa uu qofkale ii sheego inuu fiidiyow iga heysto. Kaddib wuxuu igu hanjabay inuu fiidiyowga sii deyn doono, isaga oo ii sheegay inuu meel walba soo dhigayo.”
Waxaas oo idil waxey muujinayaan sida haweenka waddankeena loo rakaateeyo ama loo fashiliyo.
Warbixinta Xaaladda Gabdhaha Adduunka ee 2020 waxay tilmaantay in tacadiyada internetka ee lagula kaco haweenka uu ka dhigayo Warbaahinta Bulshada meel xun. Waxaa jira xadgudubyo ay kamid yihiin Galmo sharcidarro ah, Sawiro Anshax-darro ah (Sextortion), Hanjabaadyo dil ah iyo iska-dhigid qofkale (impersonation). Gabdhaha waxaa lagu dhibaateeyaa inay gabdho yihiin, waana loogu sii daraa haddii ay ka hadlaan dhibaatada heysata. Inta badan, dhibaateynta internetka waa mid lamid ah dhibaateynta caadiga ah dhanka cabsida iyo welwelka. Dambiilayaasha ujeedkooda waa inay gabdhaha iyo haweenka ku hayaan “booska ay taagan yihiin, -si ay uga xuroobin-”.


Bishii Diisembar 2020 Xarunta Xog-ururinta Digital-ka ah ee Digital Shelter waxay sameysay sahan dad badan lagu xaal-wareystay. Taasi oo diiwaangalisay dabeecadda iyo saameynta ka dhalata tacadiyada internetka ee ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed. Tiro 82 haween Soomaaliyeed ah ayaa ka jawaabay sahankaas oo su’aalo lagu weydiiyay. Waxaana la ogaaday:
68% haweenkii la wareystay waxay sheegeen inay la kulmeen tacadiyada internetka ah in ka badan hal jeer.
“Waxaa horay dhowr jeer iisoo martay in niman iigu soo diraan Facebook Messenger-kayga xubnahooda tranka”
Sidoo kale dumarkii la wareystay 57% ayaa sheegay in xadgudubkoodu ka dhacay bar ay leedahay shirkadda Facebook: mid kamid ah baraha Facebook, Messenger, WhatsApp ama Instagram.
“Waqti yar ayaan ku bixiyaa barta FB Messenger, waayo waa barta ugu xun oo ay gabar ku xiriirto.”


Inta badan haweenka waxay xuseen in weerarada internetka ee lagu soo qaaday uu afka xiray ama [aamusiyay]. Qaarkood waxay taxaddar dheeraad ah ka muujiyeen waxa ay ku sheegayaan ama ay ku wadaagayaan internetka. Qaar kale waxay yareeyeen isticmaalkooda baraha bulshada. Halka kuwa kalena ay tirtireen akoonadooda baraha xiriirka bulshada.
“Waxaa laygu soo qaaday weerar bahalnimo oo afka ah, taas oo laygu bahdilay. Waxaan go’aansaday inaan tirtiro barteyda Messenger-ka; in muddo ah.”
Cecilia Mwende, oo ah khabiir ku xeeldheer arrimaha badqabka jinsiga ee digital-ka ah, ayaa ka hadashay sida ay tani usaameyso haweenka adduunka. Waxay tiri: "Saameynta ugu weyn ee aan la kulanno waa is-ilaalinta joogtada ah. Dumarka waxay billaabaan inay ilaaliyaan ama ay faafreebaan naftooda marka ay internetka ku jiraan. Waana taas ujeedka ay leeyihiin dadka wax dhiba ee tacadiga geysta. Sidoo kale qalalaasaha internetka wuxuu ka dhigaa haweenka kuwa ka fogaada bulshada qeybaheeda kala duwan.


Wax ka qabashada dhibaatadan internetka ee lagu hagardaameeyo haweenka Soomaaliyeed waxay u baahan tahay saddex arrimood.
Ugu horreyn, sare uqaadista wacyiga bulshada. Tani waa dhibaato dhab ah, oo leh saameyn dhab ah, taas oo mararka qaarkood ka soo wareegta Online una gudubta Offline, -sidaa darteed waa in laga wacyigaliyaa bulshada loogana digaa saameynta taban ay ku yeelan karto-.
Marka xigta, ilaalin sharci ah. Tusaale ahaan, mas’uuliyiinta dowladda waxay diyaarin karaan qaab-sharciyeed qeexan oo ku saabsan xadgudubyada internetka.
Ugu dambeyntiina, awood siinta haweenka Soomaaliyeed si ay u hormariyaan is-dufaacooda digital-ka ah.
Tallaabooyinka haboon in la raaco waxaa ka mid ah:
- Sameysashada fure-sireedyo adag oo kala duwan;
- Ka fogaanshaha shabakadaha WIFI ee guud, gaar ahaan marka la wadaagayo macluumaad xasaasi ah;
- Adeegsiga softiweerrada ka hortaga fayraska iyo, haddii ay suurtagal tahay, shabakadaha gaarka ah (VPN);
- Sixidda iyo fariisinta nidaamka xog-qarinta ee akoonada internetka;
- Ka warbixinta iyo xayiraadda kuwa sameeya xadgudubyada internetka.


Codka haweenka Soomaaliyeed waa in laga maqlaa baraha xiriirka bulshada iyo guud ahaan internetka. Si taas loo gaaro, waxaan u baahannahay inaan wax ka qabanno faquuqa internetka ee lagula kaco haweenka Soomaaliyeed. Ilaa taas laga xaqiijinno, haween badan ayaa rajo-beel sii ahaan doona.
Sida uu sheegay mid kamid ah dadkii lagu wareystay Sahanka Digital Shelter: “dhibaatada jirta ayaa waxay tahay in arrintan xitaa loo tixgalinin xadgudub bulshada ka dhex jira, oo maba loo dareensana inay mushkilad tahay, taas oo ah arrin aad loogu fajaco.”