Cabsi La’aan
Gabayga Sahra Cabdi Xaaji Maxamed
Dheddigood waxaa haysta, waa dhabannahays wayne, bal dhugtaay amuurtayda.
Dhuumataysi mooyaane, Ma dhaqaaqi baan gaabshay, ma cabsaan la dhaygaagay, Ceeb miyaan la dhuubnaaday.
Casarkii miyaan dhuuntay, miyaan dhuuni ladiwaayey, aaminaad xadkeed dhaaftay, dhaxalkeedu waa saase, ma dhunkaashi baan leefay, ma dhadhamiyey hooggeedi,
Casarkii miyaan dhuuntay,
miyaan dhuuni ladiwaayey,
aaminaad xadkeed dhaaftay,
dhaxalkeedu waa saase, ma
dhunkaashi baan leefay, ma
dhadhamiyey hooggeedi,
Kalsooni
Xubnahayga dheehoodi, dharka aan ku qarinaayey, dibeddana ka dhawraayey, miyaa meelkastaba dhooban.
Gabadh waa dhambaal wacane, waa dheemman iyo luule, waa sharaf la dhawrtaaye
waa udub dhexaadkiiyo, lafta dhabarka weeyaane, hohayeey dhibaatayntan, yaa dhaxal innoo siiyey?
Dhiillada naloo haysto, dhamacdiyo kulaylkeeda, dhaartiyo hujuumkeeda, dhiciddiyo akoomaadka, sawirrada dhexdiis yaalla, dhownloodh garayntooda, dhibta iyo rakaatayntu, waa dhiillo damiwayday.
Cabsi baan la dhawriirnay, dharkeennii naloo qoonsay, dhabbihiina mariwaynay, haasaawe dhaliwaynay, muuq rageed ka dhaygaagnay, baraha bulshada dhuganwaynay, wax qiraala dhigiwaynay, Illinteennu dhibiclaysay, dhabankeenna wada qoysay.
Xor waxaan u ahay dheeha, cabsi li'i dhaqaaqayga, inaan lay dhibaataynin, oon dhaawac lay gaysan, sharaftaydu dhawrnaato, ceeb layga dhoodhoobin.
Xor waxaan u ahay dheeha, Iqtiyaar inaan dhiibto, In aniga la ii dhaafo, noloshayda dhidibkeeda oon anigu dheegaysto, dantaydiyo dhitaynteeda, Cabsi La’aan!
Cabsi La’aan
Sheekooyinka Soomaaliyeed
Lama Sii Aamusnaan Karo
Dhageyso waxa ay nooga dhigan tahay, haddii aan nahay haweenka Soomaaliyeed, in nala ceebeeyo, nalagu tacadiyo ama nalagu weeraro internetka
Booqo sheekadaDhageyso waxa ay nooga dhigan tahay, haddii aan nahay haweenka Soomaaliyeed, in nala ceebeeyo, nalagu tacadiyo ama nalagu weeraro internetka
Booqo sheekadaKalandarka Amniga Dijitalka
Hel tilmaamo iyo talooyin aad ku hormarin karto amnigaaga dijitalka ah adigoo taariikhahan ku darsanaya kalandarka taleefankaaga ama kombuyuutarkaaga.
Booqo kalandarka