Ku saabsan
Cabsi La'aan waxaa si wadajir ah unashqadeeyay una soo saaray Digital Shelter iyo Data4Change.
Bishii Diisembar 2020 Digital Shelter ayaa waxay sameysay sahan dadweyne oo ay kaga dalbatay haweenka soomaaliyeed inay la wadaagaan waaya-aragnimadooda fadeexeynta, dhibaateynta iyo faquuqa internetka.
Tiro 82 haween Soomaaliyeed ah ayaa kusoo jawaabay sheekooyin isugu jira kuwa akoonnadooda la jabsaday, kuwa ay rag usoo direen sawirro anshax-darro ah, iyo xitaa kuwa kale oo la rakaaeeyay.
Sidaa darteed, si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan arrintaas, iyadoo la ilaalinayo xogta gaarka ah ee haweenka, Digital Shelter waxay u xilsaartay Sahra Maxamed inay qorto gabay ay kaga hadlayso sheekooyinka haweenka.
Digital Shelter waa urur maxalli ah oo u ololeeya sare uqaadista badqabka, xuquuqaha iyo ka qeybgalka dijitalka ah ee dadweynaha.
Digital Shelter waxay kamid tahay 13 ururro bulsho rayid ah oo ku guuleystay codsashada Sanduuqa Xuquuqda Dijitalka ah ee Afrika, oo ay maamusho hay'adda CIPESA (Collaboration on International ICT Policy in East and Southern Africa). Sanduuqa Xuquuqda Dijitalka ah ee Afrika waxaa ka mid ah fursadaha uu bixiyo tababarro la xiriira xirfadaha xogta iyo ka shaqeynta mashaariicda ku dhisan xogta (Data-Driven Projects) oo ay fuliso Data4change.
Data4change waa hay'ad aan faa'ido-doon aheyn oo fadhigeedu yahay Boqortooyada Ingiriiska, waxay sameysaa mashaariic xog-ku-dhisan oo loogu talagalay in lagu xalliyo qaar ka mid ah caqabadaha bulsho iyo siyaasadeed ee ugu culus adduunka.
Kooxda
halkan waxaa ku xusan kooxda ka dambeysa mashruuca Cabsi La'aan. Waxaan si wadajir ah ugu shaqeynay mashruucan, anagoo kala joogna shan waddan oo kala duwan, islamarkaana kala fog!
Abdifatah Hassan Ali
La-aasaasaha Digital Shelter, Soomaaliya
Abdifatah Ali Mohamud
Agaasimaha barnaamijyada ICT-da ee Digital Shelter, Soomaaliya
Ayan Khalif Abdi
La-aasaasaha Digital Shelter, Soomaaliya
Joachim Mangilima
Falanqeeye xog, Tansaaniya
Reem El Sayed Samy
Nashqadeeye, Masar
Loren Riesenfeld
Soo saare, Mareykanfka
Elric Wamugu
Kaaliye Soo-saaris, Riwanda
Emma Laura Namwanje Kisa
Falanqeeye xog, Kenya
Henar Khater
Nashqadeeye, Masar
Zahra Abdihagi Mahamed
Abwaanad, Soomaaliya